NAIROBI, Kenya - Falanqeeye siyaasadeed iyo aqoonyahan xeeldheer Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo fadhigiisu yahay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa la baadigoobayaa tan iyo 8-dii September.
Qoyskiisu waxay wargeliyeen saldhigyada booliska guud ahaan magaala madaxda. Warbixinta waxay ku sheegeen in ay ugu war dambeysay isaga oo gaari ku maraya wadada Turbman.
Saraakiisha amnigu wali wax war ah kama saarin dhacdadan. Balse, warbaahinta maxaliga ah ayay u xaqiijiyeen in ay soo gaartey cabasho ka timid qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la afduubtey Cabdiwahaab oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ka waday olole uu ku taageerayo madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo.
Isla ololihiisa, Cabdiwahaab ayaa ku dhaleeceynayey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isaga oo la xiriirinaya dowladaha Imaaraadka Carabta iyo boqortooyada UK.
Farmaajo iyo Rooble ayaa madaxa iskula jira. Is-mar-waagooda wuxuu salka ku haayaa sarkaal ka tirsan hay'adda mukhaabaraadka dalka oo la waayey in ka badan laba bilood kahor.
Ikraan Tahliil Faarax ayaa kiiskeedu gilgilay siyaasada waddanka. Hay'adda sirdoonka qaranka waxay sheegtey in Al-Shabaab ay dishay. Balse kooxda way iska fogeysay. Qoyskeedu wuxuu goobayaa cadaalad.
GAROWE ONLINE