DARU SALAM, Tanzania - Baarlamaanka Tanzania ayaa wax ka badel ku sameeyay sharciga la dagaalka tahriibinta dadka , haddana wuxu sharciga dhigayaa in qofkii lagu helo tahriibin loo dirayo xabsi gaaraya 30 sano iyo ganaax gaaraya $43 kun oo doolar.
Sharciga ayaa waxa uu sidoo kale gasooreyaasha siinayaa awood ah in muqalisiinta dhawr jeer dadka tahriibiyay loo diro xabsi daain.
Najma Murtasa oo ah ku xigeenka guddiga Baarlamaanka ee dastuurka ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la adkeeyo shuruucda la dagaalanka tahriibka.
Sida ay sheegtay hay’adda IOM , sanad kasta waxaa Tanzania la dhexmariyaa 15 kun qof oo tahriibayaal ah oo ka kala yimid Itoobiya, Soomaaliya iyo Burundi, iyaga oo kusii jeeda Dalka Koonfur Afrika.
Waxaa la sheegay in halkii qof laga sameeyo lacag gaaraysa illaa $15 kun doolar.
GAROWE ONLINE