Soomaali lagu waayey burcad-badeednimo oo lasii daayey

Image

VICTORIA, Seychelles - Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii la sii daayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay.

Maxkamada sare ayaa xukuntay in xiliga la qabtay raggaasi aan lagu helin inay sameynayaan wax sharci daro ah isla markaana aysan wadan wax hub sharci daro ah. Shanta nin waxay xorriyadooda dib u helaan xukunka kadib.

Maxkamadaynta shanta Soomaaliyeed waxay bilaabatay Sebtember 2020, sanad ka dib markii uu qabtey markabka ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR) ee ESPS NAVARRA.

Howlgalka Atalanta ee EU NAVFOR Somalia ayaa shanta tuhmane ku wareejiyay maamulka Seychellois sanadka 2019 iyadoo la tixraacayo heshiis wareejin ah oo u dhexeeya jasiiradda ku taal galbeedka Badweynta Hindiya iyo Midowga Yurub oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC).

Qareenka difaacayay eedeysaneyaasha dambiga lagu waayey, Joel Camille, ayaa sheegay in xaqiiqda kooxda qareenada eedeysanayaasha la badalay seddex jeer ay kaalin ka qaadatay dib-u-dhaca.

"Hadda raggaas waa la siidaayay. UNDOC sameyn doonta qabanqaabada lagama maarmaanka u ah sidii dalkooda dib loogu celin lahaa maadaama ay waddanka ku joogaan xaalad Muhaajirnimo oo La Mamnuucay," ayuu ku daray.

Si kastaba ha noqotee, Camille ayaa intaas ku daray in uusan ka warqabin in raggaasi ay bilaabayaan dacwado ay ku doonayaan magdhow ah iyo in kale kadib laba sano oo ay ku jireen xabsiga Seychelles ayaga oo aanan sameyn wax fal-dambiyeed ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM