MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland ayaa kusoo dhamaadey 2-1 natiijadaas oo maamulka xaruntiisu rasmiga ay tahay Dhuusamareeb u gudbineysa final-ka.

Galmudug oo kaalinta koowaad kaga soo baxdey Group-ka A ayaa goolasha kulankan ka tirsanaa afar dhamaadka waxay kaga mahadcelinayaan kabtankooda Maxamed Maxamuud Axmed.

Puntland oo kaalinta labaad kaga soo gudubtay Group-ka B ayaa goolka calanka waxaa qeybta koowaad markii goolka looga horumaray u dhaliyey ciyaaryahanka lagu magacaabo Cabdiqani Axmed.

Xilli Puntland ay lumisay fursad ay markii 3aad oo xiriir ah ku gaari lahayd kama dambeysta, Galmudug ayaa final-ka koobka maamulada iyo gobolada Banaadir waxay dheeleysaa markii koowaad.

Wiilasha Galmudug oo dhaliyey goolasha ugu badan ee tartanka iyo markii la bilaabay bishan December ayaa la cayaari doona midkood kan soo baxa Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Puntland ayaa ku biireysa Jubaland iyo HirShabelle kuwaas oo ku haray heerka Group-yadda tartanka, waxaana ay sugayaan midkood kan tareenka kasoo dhaca Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Xulka kubada cagta Puntland ayaa ah guuleysteyaashii ugu horeeyay ee tartanka kubada cagta dowlad goboleedyadda iyo gobolka Banaadir, iyadda Jubaland ay hanatay sanadkii labaad ee loo hardamay.

GAROWE ONLINE