Garowe oo wajahaysa amni darro xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed

Image
Afduub iyo dhac hubeysan ayaa lasoo wariyey caasimadda dowladda Puntland saacadihii lasoo dhaafay.

GAROWE, Puntland - Kooxo aan haybtooda la garanayn ayaa afduub u gaystay maamulaha Bangiga Salaam ee gobalka Nugaal, Khaliif Maxamed Jaamac iyo gaarigiisa, sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

"Muddo kadib ayay gaariga uun kala hareen iyaga oo isaga oo kaligiis ah kusoo daray gaari kale oo wadada marayay," ayuu yiri qof kamid ah saaxiibadsa oo si hoose ula hadlay Garowe Online.

Illaa waqti-xaadirkan, ma jirto fahfaahin kale dheeraad ah oo laga helay kiiskan. Laamaha ammaanka oo isku-dayo xiriir lala sameeyay si wax looga waydiiyo dhacdadan ayaan ka jawaabin wicitaanada.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli kooxo cabtoy ay gudaha magaala madaxda Garowe ku dhaawaceen mid kamid ah dhalinyarada baranayay cilmiga caafimaadka ee dhowaan kasoo laabtey colaada ka oogan dalka Suudaan.

Dr Cumar Maxamuud Xasan oo kamid ah ardaydii horey uga qalinjabisay dugsiga sare ee Alwaaxa Garowe ayaa isaga oo kasoo baxay salaadii subax waxaa dhaawacay koox cabtooy ah.

Qof kamid ah qaraabada dhibanaha ayaa u sheegay Garowe Online: "Isaga iyo walaalkiis ka yar oo kasoo baxay salaadii subax ayaa waxaa ka hor yimid koox cabtooy ah waxayna ku dhufteen xabad kaga dhacday bawdada iyaga oo taleefanadii ka qaatay".

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda cabtooyda ah ay sidoo kale tageen jidka sodonka ee Garowe isla markaana ay halkaasi taleefanadii kaga wada qaadeen odayaal socod jimicsi ah ku samaynayay.

Kooxahaan cabtooyda ah ayaa faro kulul ku haya Garowe iyada oo Booliska Puntland ay ku mashquulsan yihiin ilaalinta sanaadiiqda doorashada lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Doorashada lagu muransan yahay ayay ku baaqeen in la joojiyo siyaasiyiin ku shiray Garowe iyaga oo ku waaniyey taliyaha Booliska Puntland in uu shaqadiisa aqoonsado kana dhex-baxo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM