Ruto: 'Wiil ka yimid tuulo' ayaa noqdey madaxweynaha Kenya
NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha 5aad ee Kenya, William Samoei Ruto, ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey xilka madaxtinimadda waddankaas isaga oo xilka hayn doona shanta sano ee soo aadan.
Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kamid ah ku dhowaad 20 madaxwayneyaal oo u xaadiray garoonka Kasarani xafladda caleema-saarka iyo dhaarinta Ruto.
Kahor inta aysan bilaaban munaasabadda, ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhaawacmay isbuurasho ka dhalatay markii dadwayne ay isku dayeen in ay xoog ku galaan garoonka oo buuxsamay.
Rigathi Gachagua, oo ah madaxwayne ku xigeenka Kenya, ayaa qudhiisa loo dhaariyey jagadan. Hadal-jeedintiisa ayuu ku sheegay in doorashadda Ruto ay ka dhigan tahay "xorriyad soo noqotey".
"Waxaan rabaa inaan dadka Kenya u sheego inaysan igu cabbirin waxqabadka William Ruto. Waan isku dayi doonaa, laakiin buuxinta kabaha ninkan maaha wax yar oo macno darro ah," ayuu xusay.
Wiilka ka yimid tuulada ee madaxweynaha noqdey
Dhankiisa, Ruto oo hadlay kadib ku xigeenkiisa Gachagua ayaa si caaboon wuxuu ugu faanay in uu kusoo koray tuulo isla markaana uu ka dhabeeyay riyadiisa in uu hogaamiyo waddankiisa.
"Waqtigaan waa sida mid kale. Allah fadligiis halkan ayaanu ku gaarnay," ayuu yiri. "Ugu dambeyntii wiilkii ka yimid tuuladda ayaa noqdey madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya".
Dugsiga hoose waxa uu galay isagoo cago cadaan ah, wuxuuna kabihiisii ugu horreeyay xirtey isagoo 15 jir ah. Sidoo kale wuxuu iibin jiray digaagga iyo lawska hareeraha waddooyinka ee miyiga gobolka Rift Valley.
Tani ayaa xaqiijineysa in aysan layaab ahayn in uu ku ololeeyay ciwaanka uu isugu sheegay in uu yahay horyaalka masaakiinta doorashaddii qabsoontey 9-ka bishii lasoo dhaafay ee August.
Ruto ayaa badalaya Uhuru Kenyatta kaasoo xafiiska joogay tobbankii sano ee lasoo dhaafay. Hase ahaatee, halkii sano ugu dambeeyay ma aysan kulmin sababo ku aadan khilaaf siyaasadeed oo xooggan.
GAROWE ONLINE