Weerarkii Villa Rays Hotel: Laba talaabo oo la gudboon madaxda

Image
Amniga madaxtooyada ayaa Khalkhal galay. Lix dagaalame ayaa fulisay 23-saac ayaa lagu soo afjaray.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowr sabab aawadeed, weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay Villa Rays Hotel wuxuu ka duwanaa dhacdooyinkii hore. Amniga madaxtooyada ayaa Khalkhal galay. Lix dagaalame ayaa fulisay 23-saac ayaa lagu soo afjaray.

Arrimahan awgeed, madaxda dowladda federaalka oo aan wali si toos ah uga hadlin waxaa la gudboon laba talaabo oo fulintooda ay ugu yaraan muhiim tahay in ay noqoto ficilka ay uga falcelinayaa badalka in ay erayo ka oran lahaayeen.

Booliska oo sheegay in sideed qof ay ku naf-waayeen falkan ayaa intaas ku daray in ciidamaddu soo badbaadiyeen in ka badan 60 ruux. Dadka lasoo badbaadiyey waxaa ku jira Wasiirka Amniga Gudaha Mr Doodishe oo lugaha ka waxyeeloobay.

Dhowr bilood kahor, taliyaha booliska Jeneraal Xijaar ayaa ka badbaadey qarax lala beegsadey maqaaxi uu ku sugnaa oo ku taalla xeebta Liido. Labadan dhacdo waxay muujinaysaa habacsnaan amni, sida ay aaminsan yihiin khuburada.

Isla-xisaabtan degdeg ah

Korneyl Cabdullaahi Macow oo ka faalooda arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in talaabada ugu horeysay ee looga baahan yahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha kadib weerarkii Villa Rays ay la xisaabtanka madaxda amniga.

"Villa Rays ma ahan isgoyska Lambar 4 waxayna lamid tahay guriga uu madaxweynaha ku nasto. In meeshaas uu cadowga Soomaaliyeed gaaro oo uu weerar ku qaado waxay ka dhigan tahay qaran jab," ayuu u sheegay Universal Tv.

"Mas'uuliyadda wixii dhacay waxaa qaadanaysa hay’adda nabad-sugidda. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waa in ay talaabo degdeg ah qaadaan kadib weerarka Villa Rays Hotel," ayuu Macow hoosta ka xariiqay.

Wuxuu sii raaciyey hadalkiisa: "Waxaan ogaaday in ciidamadda Booliska, Haramcad iyo Gaashaan ay isku qabsadeen cidda argagixisada ka saareysa Villa Rays. Tani waxay keentay in uu sii dheeraado saacadaha iska-hor-imaadka".

Dib-u-habeynta laamaha ammaanka

Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka, ayaa carabka ku adkeeyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo hogaanka laamaha ammaanka ay suurtagelin karto xasiloonida iyo nabad-gelyada magaala madaxda.

"Hay'adihii ammaanka ee uu ka tagay madaxwayne Farmaajo waxaa la fahamsan yahay in ay dhex-galaan Shabaabka. Xasan Sheekh xukuumadiisa waxba kama aysan qaban inkasta oo wax badan lagala taliyey arrinkaas," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Isma khuseyso dagaalka Al-Shabaab loogala jiro meelaha fog-fog iyo kan Xamar ka sameynayaa. Xamar loogama baahna cudud ciidan, Xamar iyo magaalooyinka waxaa looga baahan yahay in sirdoonka aad looga howlgeliyo".

"Muhiimadu waxay tahay in Shabaab ay haystaan dareeska iyo noocyada gaadiidka ciidanka oo ay xeryaha ka qaateen. Haday [Villa Rays] sidaas ku tageen, anigu ma ogi waxa diidaya in iyaga kolanyo ah ay madaxtooyada tagaan," ayuu kusoo koobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM