Aadan Barre: Dumarka Islaamka ah waa in ay xijaabka xirtaan

Image
Lama oga in hadalkani uu yahay siyaasad dowladeed oo miiska saaran iyo firkadiisa.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya, Aadan Bare Ducaale oo hadal ka jeediyay xafladda tartanka Qur’aanka oo Nairobi ka dhacday, ayaa shaaciyey in ay muhiim tahay in dumarka Islaamka ah ay xirtaan xijaabka marka ay banaanka usoo baxaan. 
 
Ducaale ayaa intaasi ku daray in kuwa muslimiinta ah ee xijaabka xoorey ay raadsadaam dal kale oo aan Kenya ahayn. Lama ogga in hadalkani uu yahay siyaasad dowladeed oo miiska saaran iyo firkadiisa gaarka ah. 
 
Saxaafadda Kenya ayaa si weyn u qaadaa-dhigaysa hadalka wasiirka oo si weyn loogu yaqaano in uu difaaco danaha Muslimiinta Kenya. Ducaale ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Ruto.

Islaamku waa diin laga tiro badan yahay gudaha Kenya waxaana haysta 10.9% dadka dalkaas, ama ku dhawaad ​​5.2 milyan oo qof. Gobolada xeebta waa halka inta badan degaan dad Muslimiinta ah. Nayroobi waxaa ku yaal dhowr masaajid waxaana ku nool wadaado caan ah.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka Muslimiinta ugu badan ee ku nool waddanka Kenya. Inta badan Soomaalida waxay ku nool yihiin goboladda kala ah; Garissa, Wajeer, Mandheera, Isiolo iyo Marsabit oo ku yaalla Waqooyiga inta badan dalka Kenya.

Caasimadda Nairobi ayaa kamid ah magaalooyinka ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida waxaana ay gacanta ku haayaan ganacsiyadda ugu waaweyn. Tiradda saxda ah ee Soomaalida ayaa ah mid lagu muransan yahay maadaama dhowr jeer la isku qabtey.

Ma ahan markii ugu horreysay Ducaale ku waaniyo dumarka in ay xirtaan xijaab. Sanadii 2019-ka ayuu tibaaxay in Wasaaradda Waxbarashadda ay tahay in talaabo ka qaado madaxda Iskuulada oo gabdhaha Muslimiinta ah ku qasabta inay iska bixiyaan xijaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM