Giriiga: Masaajid Qarni xirnaa oo dib loo furay

Image
Markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado masaajidkan waxay ahayd horraantii 1920.

Athena (GO) - Giriiga ayaa dib u furay masaajid taariikhi ah oo ku yaala waqooyiga magaalada Thessaloniki, markii ugu horeysay muddo qarni ka badan, waxaana la ogolaaday in lagu tukado salaada Ciidul Fidriga.

Qiyaastii 100 qof ayaa ku tukaday salaadda ciidda Masaajidka “Yeni” kaasoo markii ugu dambeeysay oo Salaad lagu tukado waxay ahayd horraantii 1920-meeyadii.

Dagaal dhexmaray Giriiga iyo Turkiga ayaa sababay is dhaafsi dadweyne oo labada dal u dhexeeya kaas oo hoos u dhac ku keenay tirada muslimiinta magaalada.

23-jir Turki ah oo dhaqaalaha bartay kuna nool magaalada ayaa munaasabadan ka yiri:"Waxaan ku noolaa Tesaloniika afar sano, tani waa markii ugu horreysay oo aan fursad u helo inaan la tukado qoyskayga Muslimka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo kireystay shirkad xiriir la leh Donald Trump

Shirkadda BGR Group ayaa waxaa aas-aasayaasheeda ka mid ah barasaabkii hore ee gobolka Mississippi Haley Barbour, oo Jamhuuri ah.

  • Caalamka

    29-01-2025

  • 06:41AM

Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga oo ka digtay qorshaha Trump ee Gaza

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay inuu doonayo in Urdun iyo Masar ay qaataan dadka Gaza

  • Caalamka

    28-01-2025

  • 07:21AM