Kenya oo ciidamo dheeraad ah u dirtey Somalia

Image

NAIROBI: Dowlada Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtey gudaha dalka Somalia kuwasoo baadigoobaya askar iyo qalab lagaga qabsadey dagaalkii ururka Al-shabaab ku qadeen xero ay ka daganaayeen degaanka Ceelcad gobolka Gedo Somalia15 Jan,2016 , sidaas waxaa sheegey sarkaal u hadlay taliska guud ee KDF 'Ciidamada dalka Kenya" General Samson Mwathethe.

Wajibaadka ciidankaan haysto ayaa ah iney burburiyaan xoogaga Al-shabaab ee saldhigyada ku leh degaankaas islamrkaana dib u soo celiyaan qalabka lagaga qabsadey weerarkii Ceelcad asbuucii lasoo dhaafey.

"Waxaa la direy ciidamo si gaar ah u tababaran kuwasoo loo tababarey iney adkaadaan dagaalka dhulka, waxeyna ku wajahan yihiin degaanka Ceelcad  Somalia si ay u xoojiyaan ciidamo halkaas hadda kula dagaalamaya kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta gobolka Gedo halka diyaardaha qumaatiga u kaca duqeynayaan maleeshiyaadka ku sugan Gedo iyo Bay" sidaas waxaa saxaafada u sheegey General Mwathethe.

Xog laga heley ciidamada Kenya ayaa sheegeysa in ururka al-shabaab weeraradaan kala kulmey khasaaro badan kadib markii duqeymo u gaysteen diyaardaha noocoodu yahay F-5 iyo Z-9 oo ka tirsan guutada 50aad ee cirka kuwasoo bar-tilmaameedsadey 5 saldhig oo Al-shabaab ku leedahay degaanka Ceelcade gobolka Gedo.

Wararkaan ayaa soo baxaya labo maalmood kadib markii saxaafada loo sheegey in duqeymo cirka ah lagu diley taliyihii hogaaminayey xogaga Al-shabaab oo weerarey xerada ciidamada Kenya oo ku taaley degaanka Ceelcad 15 Jan, 2016.

General General Samson Mwathethe ayaa waydiisatey beesha caalamka iney tageeraan ciidamada Kenya 'KDF' iyo Amisom isaga oo xusey in nabad lagu dabaalaa Somalia lamid tahay caalamka oo xasilooni heley.

Warsaxafdeedka dowlada Kenya kasoo baxey ayaa imaanaya xilli dadka ku nool degaanada weerarkaan ku wajahan yahay bilaabeen iney guryahooda ka qaxaan iyadoo laga soo sheegayo in xaalad adag halkaas ka jirto.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

  • Caalamka

    18-10-2025

  • 05:31AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Japan oo caan ku ahaa raalligelintii Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo geeriyooday

Hiroyuki Takano, xoghayaha guud ee xisbigaas ee gobolka Oita — halkii uu kasoo jeeday Murayama.

  • Caalamka

    17-10-2025

  • 09:16AM