WASHINGTON, USA – Dowladda Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah waxay cunaqabateyn culus ku soo rogay shaqsiyaad iyo hay'addo dowladeed ka tirsan Ruushka sababo la xiriira isku daygii Moscow ee ahaa in ay disho siyaasiga mucaaradka ah ee Alexey Navalny, sidda ay sheegeen saraakiil sar-sarre oo ka tirsan maamulka Madaxweynaha Mareykanka ee Joe Biden.

Saraakiishan oo wariyeyaasha la hadlayey waxay sheegeen in talaabaddan loo qaadayo iyadoo lala kaashanayo Midowga Yurub. Balse ma bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan xayiraadda iyo magacyadda shaqsiyaadka iyo hay'addaha dowliga ah ee garka loo geliyey.

Baaqii maamulka Biden ee ahaa in Ruushka uu xabsiga ka sii daayo Navalny ayay hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in la fuliyo.

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah waxa ay saraakiishu ku sheegeen isku daygii Ruushka ee ahaa in la dilo Navalny sanadkii hore, balse eedeyn ay gaashaanka ku dhufatay xukuumadda Moscow.

Madaxweynihii xafiiska kaga horreeyay ee Biden oo ah Donald Trump, ma uusan u ciqaabin Ruushka isku dayga lagu sameyn lahaa Navalny.

Maamulka madaxwayne Biden wuxuu ka qaadey talaabo adag madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin marka loo eego Trump.

Sarkaalka ay soo xigatay wakaaladda wararka REUTERS balse magaciisa aan la shaacin ayaa ku daray: "Mareykanku ma doonayo inuu dib u soo celiyo xiriirka Ruushka, sidoo kale ma dooneyno inaan sii kordhino".

"Waxaan aaminsanahay in Mareykanka iyo la-hawlgalayaasheena ay waajib ku tahay inay cadeeyaan oo ay qarash gareeyaan marka dhaqanka Ruushka uu ka gudbo xuduudaha ay ixtiraamaan umadaha mas'uulka ka ah, waxaana aaminsanahay inay jirto xayndaabyo ilaalin ah oo ku saabsan sida dhinacyadan naga soo horjeeda ay xiriirkayagu ugu ciyaarayaan," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE