Mareykanka oo mar kale diiday fiisaha Maxamuud Cabbaas

Image

NEW YORK — Sida ay wararku sheegayaan, dowladda Mareykanka ayaa mar kale diiday codsiga fiisaha Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, kaas oo doonayay inuu si shaqsi ah uga qeyb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.

Tani waxay noqonaysaa sannadkii labaad oo xiriir ah oo Cabbaas laga hor istaago inuu si toos ah uga qeyb galo shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sannadkii hore, Cabbaas ayaa khudbaddiisa Golaha Guud jeediyay isagoo adeegsanaya muuqaal toos ah, kadib markii uusan awoodin inuu si shaqsi ah uga qeybgalo shirka.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caadiyan bisha September lagu qabtaa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo madaxda iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah ay khudbado ka jeediyaan arrimaha caalamka iyo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadannimo ee dunida.

Diidmada fiisaha Cabbaas ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Gaza iyo xaaladda Falastiin ay weli yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada caalamka, iyadoo Golaha Guud ee Qaramada Midoobayna uu sanadkan mar kale noqonayo madal muhiim ah oo looga hadlo mustaqbalka Falastiin iyo xal u helidda colaadda Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sawirro cusub oo muujinaya burburka weerarrada Iran u geysteen saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Mid ka mid ah sawirrada laga qaaday Prince Sultan Air Force Base ee Sacuudi Carabiya…

  • Caalamka

    16-09-2026

  • 08:08AM

Mareykanka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray dagaalka Iran

Si kastaba, khubaro ayaa qiyaasaya in ay qaadan karto ku dhowaad saddex sano in kaydka gantaallada casriga ah iyo kuwa difaaca cirka.

  • Caalamka

    16-09-2026

  • 07:38AM