PORT-AU-PRINCE, Haiti - Ra'iisul wasaaraha Haiti, Ariel Henry, ayaa laga mamnuucay inuu waddankaas ka baxo iyadoo baaritaan lagu hayo inuu ku lug lahaa dilkii madaxweyne Jovenel Moïse.

Dacwad ooge ayaa raadinaya dacwad ka dhan ah Mr Henry, oo laga codsaday inuu sharraxo xiriirka uu la leeyahay la tuhunsane muhiim u ah dilka oo ah Joseph Felix Badio.

Diiwaanada ayaa muujinaya in labada nin ay kawada hadleen taleefoono badan saacado kadib dilka, sida laga soo xigtay warbixin rasmi ah oo kasoo baxdey dacwad oogayaasha.

Mr Moïse oo dilkiisa uu sababay su'aalo badan marka loo eego qaabka loo beegsadey iyo sida fudud ee dableyda ku heshay raadiisa waxaa lagu dilay gurigiisa 7dii Luulyo.

Waxaa la dilay ka gedaal markii dableyda oo la sheegay in ay aad u hubaysaneyd ay weerareen hoygiisa gaarka ah oo ku yaal xaafad ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Isniintii, Henry ayaa soo saarey warqad uu ku ceyrinayo Madaxa Dacwad-oogaha Bed-Ford Claude oo uu ku eedeeyay "dembi culus oo maamul". Markii dambe ayuu magacaabay beddelkiisa.

Dhimashadiisu waxay dhalisay qalalaase siyaasadeed oo ka sii daray markii dhulgariir weyn uu ku dhuftay koonfurta Haiti bil ka hor kaasoo horseeday burbur dhaqaale iyo xaalado bini'aadanimo.

GAROWE ONLINE