Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

Image

Ankara – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in haddii maanta lagu guuleysto wadahadallada nabadeed ee ka socda magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, isla markiiba la dhawaaqi doono xabad-joojin rasmi ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Fidan wuxuu sheegay in wadahadallada ay diiradda saarayaan afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:

1 - Is-weydaarsiga maxaabiista iyo la haystayaasha
2 - Gargaarka bani’aadannimo
3 - Ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza
4 - Xabad-joojin buuxda

Wasiir Fidan wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhamaan wafdiyada ku lugta leh wadahadallada ay si fiican u fahamsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu isku dayayo in uu carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda, balse aysan ogolaan doonin in arrintaas ay dhacdo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli duqeymaha Israa’iil ee Gaza ay sii socdaan, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay ugu yaraan 8 Falastiiniyiin ah, halka 61 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah dadka ku dhibaateysan Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Ciidamada Xuutiyiinta Yemen oo la dilay iyo Israel oo sheegatay

Geerida Al-Ghamari waxay timid lix maalmood kadib markii la gaaray xabbad-joojin jilicsan oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

  • Caalamka

    16-10-2025

  • 05:43PM

Trump oo amray CIA-da inay ka fuliso Venezuela Hawlgallo ay duqeymo ku jiraan

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in hawlgallada CIA-da ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo qorsheeyay loona fuliyay.

  • Caalamka

    16-10-2025

  • 11:49AM