Deni oo ku dhawaaqay muddo kororsi

Image

GAROWE, Soomaaliya - Guddiga muranku ka taagan yahay ee doorashooyinka Puntland (PEC) ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka doorashada 2024-ka, kaas oo ka hor-imaanaya xilliga uu dastuurku u dhigayo muddo xileedka hay’adaha dowladda ee Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa ka digay muddo kororsiga hay’adaha dastuuriga ah, iyo cawaaqibka ka dhalan kara tan iyo dabyaaqaddi sanadkii hore 2022dii.

Si ay uga hortagaan in Puntland ay gasho khalkhal & hubanti la’aan siyaasadeed , waxay ka soo horjeesteen hanaanka doorashada, iyada oo qaar ka mid ah ururada mucaaradka ay qaadaceen ka qeyb qaadashada barnaajimkan.

Dhanka kale, Madaxweynaha sii dhmaanayo muddo xileedkiisa dastuuriga ah Saciid Deni ayaa sii waday ciyaaraha siyaasadeed ee ka hor imaanaya dastuurka, sida ay u arkaan dadka udhuundaloola siyaasada Puntland, waxaana uu sababay iska hor imaadyo ay ku dhinteen tobaneeyo qof.

Ka dib wax ka bedelka dastuurka, ku adkeysiga hanaanka doorashada, iyo ka maqnaashiyaha dalka Muddo ku dhaw laba bilood, mucaaradku waxa ay yeesheen kulan siyaasadeed oo ay ku doonayeen in xal looga gaaro xiisada taagan, lagana badbaadiyo Puntland firaaq dastuuri ah iyo isku dhacyada huneysan

Kulamadaan ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo ku aadan in la qabto doorasho la barbar socota tan ay dowladdu qabaneyso, hadii uu maamulka Saciid Deni ku qaban waayo doorashada waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaan wax ka bedelin go’aankiisa ku aadan hanaanka doorashada, inkastoo ay isku raacsan-yahiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta in xilligan ay suurtagal aheyn in doorasho Qof iyo Cod ah lagu qabto 8-da Janaayo.

Mowqifkaas ka dib, waxaa magaalada Garowe soo gaaray odayaasha Dhaqanka iyo Isimmada Puntland, iyaga oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhalata’y doorashada. Go’aano ayaa isimmadu kasoo baxay oo ka mid ah qodobo diidaya in la sameeyo Muddo kororsi.

Guddiga doorashada oo lagu muransanyahay ayaa jawaab ka bixiyay baaqa Isimmada, iyaga oo maanta ansixiyay jadwalka doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ay qorshayeen in la qabto 25-ka bisha Febraayo ee 2024.

Dadka wax indha-indheeya ayaa tallaabadan u arka mid is-miidaamin siyaasadeed ah, isla markaana ay cadeyn u tahay eedeymaha mucaaradka ay u jeediyeen taliska xukunka haya, iyadoo shacabka Puntland ay rajeynayaan in la gaaro heshiis la isku raacsan-yahay oo dowladda ka badbaadiya halista colaadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn lala eegtay maleyshiyaad ku dhuumaaleysaneysay buuraleeyda gobolka Bari

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

  • Puntland

    02-01-2025

  • 06:37AM

Madaxwayne Deni oo booqdey dhaawacyada weerarkii la fashiliyay ee ISIL

Madaxwaynaha ayaa boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

  • Puntland

    31-12-2024

  • 03:43PM