Saciid Cabdullaahi Deni oo dhex-dabaashay Baraha Bulshadda

Image
Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Puntland goob fagaare ah uga hadlo xaalada gobolka Sool.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha ay bilaha uga dhiman yihiin muddo xileedkiisa, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa fagaare ka ammaanay saddex kamid ah "jamaahiirta SSC" ee Baraha Bulshadda kaga dhiidhiyey "duulaanka gardarada ah ee Somaliland".

Dadka yaqaana dabeecadaha Deni ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in fariintaas ay muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay "walbahaarka ay saddexdaas qof ku hayaan hogaamiyaha Puntland".

"Markii aan daawaday muuqaalka madaxweynaha lama yaabin waayo waa hab-dhaqankiisa inuu ammaan kusoo jiito dadka uu uga baqayo in ay halis ku yihiin siyaasada xukuumadiisa si uu uga leexiyo dadka ay la socdaan," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha u waramay GO.

Baraha Bulshadda ayaa dhowrkii sano lasoo dhaafay geed-fadhi u noqdey jiheynta siyaasada Soomaaliya. Hogaamiyeyaasha dadweynaha waxay isku-dayaan in ay aragtiyadooda dhex-mariyaan shaqsiyaadka saameynta buuran leh.

Puntland ayaa ku jirta mar-xalad kala guur ah. Deni iyo xukuumadiisa waxa uu waqtiga ka dhacayaa Janaayo, 2024–ka. Doorashooyinka lagu muransan yahay oo ay gadaal ka riixeyso ayaa waayay kalsoonida shacabka iyo caalamka.

Hadalkaas ayuu madaxweyne Dani ka sheegay goob isugu yimaadeen tageerayaal ka tirsan urur siyaasadeedkiisa Kaah halkaas oo sidoo kale uu ka weeraray dowldda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Dowlada Federaalka way gabtey mas’uuliyadii ka saarneyd magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool, Uma dhaqmin sidii dowlad Soomaaliyeed, gacanta u laaban waxaa u rajeyneynaa iney furto oo dalkaan badbaadadiisa qayb ka ahaato," ayuu yiri Deni.

Dani ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada Federaalka "iyadoo dhiigu daadanayo ay ergay u magacowdey arimaha Somaliland - waxayna ka dhigtey gardaro garab markii ay tiri waxaan la fureynaa wadahadal Somaliland".

Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Puntland goob fagaare ah uga hadlo xaalada gobolka Sool. Saddexda qof ee uu u gacan-haatiyey ayaa imaanaysa xilli ururkiisa KAAH uu waayay taageereyaal badan oo degaanka ah.

Hadalka deni ayaa si lamid ah waxa uu imaanaya xilli ururkiisu olole ugu jiro sidii uu u sameyn lahaa dastuur jabin isla markaana wax uga badali lahaa tiradda kama dambeysta ah ee xisbiyadda isugu soo hareysa doorashada halka dhinaca ah ee uu wado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Deegaanka Puntland oo billowday fulinta Xeerka Sahminta Degaanka

Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaadey dhanka horumarka, iyadoo shacabka ay wax badan ka filayaan inay ka faa'idaan qorshaha.

  • Puntland

    07-09-2024

  • 01:04PM

Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo xariga laga jaray

Jidkan ayaa muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

  • Puntland

    03-09-2024

  • 12:27PM