​54 Xildhibaan oo xilkii ka qaaday Madaxweynaha Galmudug [Dhagayso]

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka Galmudug ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo maalin ka hor laga keenay mooshin ku saabsan xil gudasho la'aan iyo inuu muddo badann ka maqnaa xarunta looga arrimo ee Cadaado.

Cali Xareed Cali, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka Galmudug, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in 54 Xildhibaan ay cod gacan-taag ah xilkii ugu xayuubiyeen Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xareed, wuxuu intaas ku daray in isaga uu Shir gudoomiyay Kulanka maanta xilka looga Qaaday Cabdikariim, isagoo xusay inay dhammaan isku raaceen in jagada laga qaado Madaxweynihii lagu doortay Cadaado.

Shaqada dowladda ayuu sheegay inuu sii daadihin doono Madaxweyne ku xigeenka galmudug Maxa'ed Xaashi Carabeey oo uu tilmaamay inuu u ogolaanayo qodob dastuuri ah.

Fadhiyada soo socda ee Xildhibaanadaas ayaa Guddoomiyuhu sheegay inay kusoo xuli doonaan guddi ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha.

Ma jirin cid diiday codkii loo qaaday xilka qaadista Madaxweynaha Galmudug, sidoo kale cidna kama aamusin, sida uu xaqiijiyay Mudane Xareed.

Mooshinkan ayaa yimid Xilli Madaxweynihii maamulkaasi loo dhaariyay 2015 uu gudan waayay waajibaadkiisa Dastuuriga ahaa sida ay Xildhibaanadu ku doodeen, waxaana tallaabadan  ay dhacday isagoo ku sugan magaalada Muqdishu.

Baaramaanka Galmudug ayaa sheegay inay gacan ku hayaan Mooshin kan lamid ah oo ay kalsoonida ugala laabanayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Madaxweyne Guuleed, balse tallaabadan ayaa timid xilli labo Shalay, uu mooshinka ku sifeeyay mid aan munaasab ahayn oo maamulkiisa u horseedaya fowdo, isagoo Xildhibaanada ugu baaqay inay ka laabtaan go'aankaas.

Guuleed, ayaa la sheegaa inuu yahay ragga saaxiibka la ah Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo hadda u ololaynayay sidii mar kale loo dooran lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM