Aas-aasihii maamulka Galmudug oo geeriyoodey

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa xalay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyoodey Maxamed Warsame Cali "Kiimiko", oo kamid ahaa siyaasiyiintii aas-aastay maamulka Galmudug, oo hadda kamid ah shanta dowlad goboleed ee ka dhisan Soomaaliya.

Eheladiisa ayaa xaqiijiyay geerida Mohamed Warsame Ali "Kiimiko", oo Madaxweyne kasoo noqday Galmudug intii u dhaxeysay 14 August 2006 – 14 August 2009. Marxuumka ayaa dhawaanahan ku xanuunsanayay Nairobi.

Kiimiko oo 82 jir ahaa ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii KMG laga soo billaabo midii lagu soo dhisay Carta, oo uu ka noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo dowladdii uu hogaaminayay AUN C/llaahi Yuusuf oo ka qabtey xilka wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha 2006.

Kadib xorriyadii dalka 1960-kii, Kiimiko ayaa soo qabtey xilal diblomaasiyadeed, isagoo mar noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka sanadkii 1980-kii.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray qrabaada Marxuumka ayaa ku tilmaamay Kiimiko mid u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM

Roobow oo ku yiri Al-Shabaab: Muqdisho noqon mayso sida Kabul iyo Dimishiq

Mukhtaar Roobow, oo horey u ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, wuxuu isku soo dhiibay dowladda 2017.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 05:55AM