Al-Shabaab oo Sarkaal katirsanaa Daacish ku dishay Bu'aalle

Image

BU'AALLE, Somalia - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay sarkaal inuu katirsanaa Daacish uga shakisay ku dishay degmada Bu'aalle.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey degmada, kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Somalia.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.

Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda, oo ugu dambeyntii gacanteeda ku baxay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka dhaxeeya dagaal, iyagoo ku loolamaya qaadista lacagaha ay ku tilmameen "Zakada", waxaana kooxahan ku dagaalameen duleedka degmada Qandalla, ee gobolka Bari, iyagoo iska dilay xubno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM