Madaxweyne Axmed Madoobe oo dalacsiiyay taliye Mahad Islaam

Image

AFMADOW, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta oo Isniin ah Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa kadib kulan gaar ah la qaatay sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow uga mahad celiyay Mahad iyo ciidanka uu hogaamiyo shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Jubaland.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Mahad Islaam fashilinta shirqoolka la doonayay in lagu burburiyo maamulka hadda ka jira Jubaland, oo khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka, oo duulaan ku qaadey Gedo.

Mahad ayaa dalacsiinta ku muteystay kadib markii sidda uu sheegay iska diiday hal milyan oo dollar, oo ay u balanqaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasin, taliyaha NISA hadii uu fududeeyo qorshe lagula wareegi lahaa Afmadow iyo Dhoobley, oo hadda Jubaland ka talisa.

Mahad oo ah taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Afmadow ayaa daboolka ka qaadey in uu kahor tagay waxa uu ku tilmaamay "afgembi" ka dhan ah maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Taliyaha ayaa warbaahinta la wadaagay magacyada iyo taleefoon lambarada mas'uuliyiinta xiriirka lasoo sameeyay, ee ka dalbaday inuu u fuliyo dawladda Federaalka qorshaha ay ka damacsan tahay Jubaland. [Halkan ka akhriso warbixinta].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: SSC-Khaatumo waa maamul rasmi ah, ma aha meel lagu muransan yahay

Beesha Caalamka ayaa doonaysay in shirka la ballaariyo oo laga dhigo wada-xaajood qaran oo dhinacyada siyaasadda u dhan yihiin.

  • Soomaliya

    14-04-2025

  • 07:46AM

Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo si adag uga horyimid Aqoonsiga SSC-Khaatumo 

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cambaareynta ay jeediyeen xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland.

  • Soomaliya

    14-04-2025

  • 06:01AM