Barlamanka Federaalka ee cusub oo magacaabey guddiga doorashada gudoonka [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan Barlamanka Federaalka Somalia ee cusub isugu yimid maanta ayaa lagu gaarey go'aan ah in la magacaabo guddiga doorashada gudoonka kaasoo la filayo in howlihiisa bilaabo maalmaha soo socda.

Guddiga la magacaabey oo kooban 15 xubnood ayaa 10 xubnood kamid ah yihiin xildhI banada cusbaa kuwa soo dhowaan la soo doortey.

Codbixin Barlamanka cusub uu qaadey maanta ayaa qodobo dhowr ah oo ku jirey waxaa ay dhabar jab ku ahaa madaxda dowlada Federaalka kuwa soo intooda badan musharaxiin yihiin.

Talaabooyinka uu qaadey Barlamanka cusub kuwasoo wel wel ku abuurey madaxdii hore ee dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ahaa laalista guddiga doorashada kuwasoo dowladu dooneysay iney sii shaqeeyaan islamarkana ku lug yeeshaan doorashada gudoonka Barlamanka iyo Madaxweynaha Federaalka ah.

Dhinaca kale Barlamanka cusub ayaa diidey iney ansaxiyaan miiisaaniyada cusub taasoo Wasiirka Maaliyada xilkiisu dhamaadey soo bandhigey. 

Barlamanka cusub oo u badan dhalinyaro cusub ayaa ilaa iminka u muuqda kuwa raadinaya in isbadal ku sameyaan nidaamka dowladnimo ee Somalia.

Xildhibanada Barlamanada Somalia ayaa intooda badan la falgala xukuumadaha marka la doorto kuwa soo ka qayb gala musuqmaasuqa ragaadiyey Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM