Barlamanka Federaalka ee cusub oo magacaabey guddiga doorashada gudoonka [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan Barlamanka Federaalka Somalia ee cusub isugu yimid maanta ayaa lagu gaarey go'aan ah in la magacaabo guddiga doorashada gudoonka kaasoo la filayo in howlihiisa bilaabo maalmaha soo socda.

Guddiga la magacaabey oo kooban 15 xubnood ayaa 10 xubnood kamid ah yihiin xildhI banada cusbaa kuwa soo dhowaan la soo doortey.

Codbixin Barlamanka cusub uu qaadey maanta ayaa qodobo dhowr ah oo ku jirey waxaa ay dhabar jab ku ahaa madaxda dowlada Federaalka kuwa soo intooda badan musharaxiin yihiin.

Talaabooyinka uu qaadey Barlamanka cusub kuwasoo wel wel ku abuurey madaxdii hore ee dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ahaa laalista guddiga doorashada kuwasoo dowladu dooneysay iney sii shaqeeyaan islamarkana ku lug yeeshaan doorashada gudoonka Barlamanka iyo Madaxweynaha Federaalka ah.

Dhinaca kale Barlamanka cusub ayaa diidey iney ansaxiyaan miiisaaniyada cusub taasoo Wasiirka Maaliyada xilkiisu dhamaadey soo bandhigey. 

Barlamanka cusub oo u badan dhalinyaro cusub ayaa ilaa iminka u muuqda kuwa raadinaya in isbadal ku sameyaan nidaamka dowladnimo ee Somalia.

Xildhibanada Barlamanada Somalia ayaa intooda badan la falgala xukuumadaha marka la doorto kuwa soo ka qayb gala musuqmaasuqa ragaadiyey Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM