Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in baarlamaanku qaato go'aanno aan lagu heshiin

Image
Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa si weyn u dhaliilay wax ka beddelka lagu sameynayo dastuurka.

Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan, isla markaana soo jeediyay in maamulada ka dhisan dalka & siyaasiyiinta ay ka qeyb noqdaan wadahadallada ku saabsan dastuurka.

Cabdishakuur ayaa si adag uga horyimid in shaqda Dastuurka lagu soo koobo oo kaliya Baarlamaanka isaga oo carrabka ku dhuftay in ay jiraan go’aamo dhowr ah oo uu golaha soo saaray isla markaana aan fulin, sababo la xiriira inaan wadar-ogol lagu ansixin loona dhamayn.

Wuxuu intaas raaciyay: “Dhamaanteen waxaan rabnaa doorasho qof & cod ah, dhamaanteen waxaan rabnaa in madaxda Dowlad-Gobolada aysan ku takrifalin awoodda uu dastuurka siiyay, Laakin Sidee?”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aanay ka jirin Dastuur la’aan balse la daala dhacaysa laba arrimood oo kala ah in aan lagu dhaqmin Dastuurka iyo in awoodda fulinta aanay ku jirin gacanta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo Mareykanka ah oo ka qeyb-qaatey Howlgal Laga Fuliyay HirShabeelle

Hawlgalladani waxay muhiim u yihiin xoojinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo ilaalinta bulshada caalamka ee ka dhanka ah khataraha.

  • Soomaliya

    02-03-2025

  • 11:10AM

Masar oo Soomaaliya iyo Eritrea ku cadaadinaysa inaysan siin Itoobiya dekad iyo marin-badeed

Labada hogaamiye ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo kormeerka gobolka ee mid ka mid ah badda ugu istiraatijiyadda badan adduunka.

  • Soomaliya

    02-03-2025

  • 08:37AM