Ciidamo Mareykanka ah oo ka qeyb-qaatey Howlgal Laga Fuliyay HirShabeelle
MUQDISHO - Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa si guul leh loogu fuliyay agagaarka Ceel Baraf, oo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle.
Qiimeynta hore ee howlgalka ayaa muujisay natiijooyin wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin burburinta gaadiid badan oo Al-Shabaab ku waday dagaalyahano iyo qabashada qaraxyo lagu soo sheegay inay loogu talagalay weeraro mustaqbalka.
Waxaa lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool goobaha uu ka dhacay howlgalkaas.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AFRICOM ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya hawlgallada iyo duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, si loo burburiyo awoodda kooxdaas.
Hawlgalladani waxay muhiim u yihiin xoojinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo ilaalinta bulshada caalamka ee ka dhanka ah khataraha ay soo saarto kooxda Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE