Warbixin: 600 oo qarax oo ka dhacay Soomaaliya sanad gudihiisa

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Sannadkii la soo dhaafay, ku dhawaad 600 weerar oo qaraxyo loo adeegsaday miino, ayaa ka dhacay Soomaaliya, iyadoo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac in ka badan 1,400 qof, taasoo muujinaysa baaxadda khatarta sii kordheysa ee dalka ka jirta. Al-Shabaab ayaa si weyn ugu tiirsan isticmaalka qaraxyada wadada dhinaceeda la dhigo, taasoo ka dhigaysa wadooyinka Soomaaliya kuwo khatar ah.

Si looga hortago khatartan sii socota, UNMAS ayaa gacan ka geystay sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidamada Soomaaliya, iyagoo bixiyay qalab khaas ah iyo tababaro loo fidiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Munaasabad ka dhacday Muqdisho, UNMAS ayaa ciidanka Soomaaliyeed ku wareejisay gaadiid difaac ah, qalabka baarista miinooyinka jidadka la geliyo, qalabka caafimaadka, qalabka burburinta qaraxyada (EOD), iyo sidoo kale agabyo tababar oo loogu talagalay tababarayaasha.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Omar Ali Abdi, iyo Taliyaha Kuxigeenka Ciidamada Difaaca, General Madey Nurey, ayaa gacanta ku hayay qalabka loo soo dhiibay, iyagoo u mahadceliyay taageerada loo fidiyay ciidamada Soomaaliyeed.

Qaraxyada miino ayaa weli ah mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee amniga Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u beegsata kolonyada milatariga, taasoo carqaladeynaysa dadaallada lagu xasiliyo goobaha la xoreeyay ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa sheegaya in xasiloonida Soomaaliya ee muddada dheer aysan ku xirnayn kaliya burburinta qaraxyada. Awoodda Al-Shabaab ee soo saarista iyo gelinta qaraxyada jidadka, ayaa si qoto dheer uga kamid ah caqabadaha guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM