Ciidanka Soomaaliya oo "fashiliyey" weerar ay Al-Shabaab maleegaysay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah ayaa shaaciyey in ay ka hortageen "weeraro argagixiso" oo Al-Shabaab maleegaysay.

Qoraal kasoo baxay kumaandooska Danab ee Mareykanku tababaro ayaa lagu sheegay in 30 kamid ahaa ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku khaarijiyeen howlgal qorsheysan.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, gulufka ayaa ka dhacay degaanka Beelow Eylo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Dhanka kale, ma jiro jawaab illaa iyo hadda kasoo baxay Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso qoraalka

Danab oo dishay in ka badan 30 Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarineysay Shabeellada Hoose.

Guutada 16aad ee kumaandooska CXD ayaa hawgal balaaran oo ay kasameysay deegaanka Baloow Eylo ee gobalka Shabeellada Hoose waxa ay ku dishay in ka badan sodon Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa caddeeyay in sidoo kale duqeyn lagu gubay gaadiidkii argagaxisadu ay doonayeen inay ku halaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan lagu naafeeyay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandoostu ku baacsanayeen haraadiga kooxaha calooshood u shaqeestayaasha, naf la caariga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Maalma ka hor ayaa guudata 16aad waxa ay argagaxisada kala wareegtay todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wacayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Shabaab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM