Dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo dadka degaanka; khasaaro ka dhashay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ku dhowaad 20 ayaa dhimatay, in ka badan 10 kale way ku dhaawacmeen dagaal Jimcada maanta ah gobolka Mudug ku dhexmaray dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo shacabka.

Iska hor-imaadka ayaa laga soo wariyey degaanka Shabeellow oo qiyaastii 20 KM dhanka galbeed ka xiga degmadda Bacaadweyn.

Xildhibaan Cabduqaadir Saciid Cabdulle oo meesha ay wax ka dhaceen ku sugan ayaa xusay in dagaalka saaka uu yimid markii habeenkii xalay ay dadka degaanka duulaan ku ekeeyeen fariisimaha Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay mudanaha, ciidanka xoogga qeybta 21aad ayaa u soo gurmaday dadka, waxaana u tegaya ciidamo dheeriya.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in dagaalka saaka uu dhacay iyaddoo dadka degaanka ay isku uruur-sanayey gudaha Shabeellow.

"Waxa meesha ku diriraya waa qabiil iyo Al-Shabaab; qof kasta oo qabiilkaas kamid ahna qorigiisa ayuu horey u soo qaatay," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Ciidamadda Xoogga Soomaaliya ee u gurmaday shacabka ayaa saldhig ku leh degaanka Bacaad-weyn, halkaasoo dhowr jeer lagu weeraray.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku-dhacaan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Bishii hore ee August 12-keeda sanadkan 2020, Al-Shabaab ayaa weerartay dadka degaanka Shabeelow markii ay diideen bixinta waxa ay ugu yeereen Zakawaadka; 10 qof ayaana ku naf-weydey duulaankaas.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa sanadihii u dambeeyay kasoo ifbaxayay ololaha shacabka hogaaminayaan ee iska caabinta Al-Shabaab xilli dowladda federaalka ah ay ka gaabisay la dirirka argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM