Maxamed Cabdi Waare oo loo doortey Madaxweynaha HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia - Murashax Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, kadib Doorasho maanta ka dhacay magaalada Jowhar, ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe. 

Guddiga doorashada HirShabeelle, ayaa ku dhawaaqay in Waare uu guuleystay kadib markii uu helay 74 cod, halka  Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod intii ay socday wareegii labaad ee codbixinta, oo ay codeeyeen 97 Xildhibaan.

Sideed Murashax oo kasoo jeeda hal Beel [Xawaadle], ayaa u tartamay Xilka Madaxweynaha HirShabeelle, kuwaasi oo uu kamid yahay Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Daba-Geed.

Maxamed Cabdi Waare, oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Beeraha dowladdii Dhexe ee dalka, ayaa sanadkii hore la tartamey Madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble oo xilka laga qaadey August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM