Prof Jawaari oo loo doortay Guddoomiyaha Barlamanka Somalia

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa hadda lasoo afmeeray tirinta codadka Xildhibaanada Barlamanka Somalia ay ugu codeeyeen murashaxiinta u taagan Afhayeen golaha shacbiga dalka.

Doorashada Guddoonka oo ay ku loolamayaan 4 murashax, ayaa tan iyo bilowgii waxaa ku horeeyay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Afhayeenkii hore ee Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku guulaystay jagaadaas isagoo helay  141 cod, wuxuuna sidaas ku noqday Guddoomiye maadama uu helay codad ka badan kuwii Guddigu ku xireen qofka wareegga kowaad guulaysanaya oo ah 135 cod.

Waxaa kusoo xigay Cabdirashiid Xidig oo isna helay  92 cod, halka murashaxiinta kala ah; Geesey 17, Idiris Cabdi Dhaqtar 2 cd heleen.

Tirinta codadka markay dhammaatay, waxaa isbadalay jawiga hoolka, waxaana durba bilowday buuq iyo sawaxan taasoo ay sameeyeen Xildhibaanada.

Waxay ku qaylinayeen oraahyo kala duwan oo ay ku jirto, Jawaari ayaa na hogaamin doona Afarta Sano ee soo socota.

Arrintan ayaa dadka qaybtiis horay u saadaaliyeen inay dhici karto.

Taariikhada Jawaari:-

Siyaasigan 72 sano jirka ah kuma cusba siyaasadda, oo wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay hayay xilka maanat dib loogu doortay

Intii ka horreysayna wuxuu u badnaa shaqooyin uu la la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.

Wuxuu ka soo jeedaa oo ay isku hayb yihiin guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isagu loo arko inuu ka mid yahay musharrixiinta u tartameyso xilka madaxtinnimada.

Hase yeeshee, waxaa suurtagal ah in guusha prof Jawari ay si toos ah meesha uga saarto hamiga madaxweyninimo ee uu ahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waayo, nidaamka 4.5 ee awood qaybsiga ayaa ka hor istaagaya hogaamiyayaasha isku qabiilka ah in ay wada qabtaan sadexda xafiis ee ugu sareeya ee kala ah kan madaxwaynaha, kan ra'iisul wasaaraha iyo kan baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM

Sheekh Shariif oo si kulul uga digay Dhaqanka “Mas’uuliyad-darrada” ee Dowladda Federaalka

Mudane Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo ixtiraam.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 09:42AM