Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilalkii ka qaadey Taliyaashii Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, kadib markii ay ku fashilmeen amniga magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", Taliyihii NISA iyo Cabdixakiin Daahir Saacid, Taliyahii Booliska ayaa ku weeyay xilalkoodii waxqabad la'aan iyo inay wax ka qaban waayeen qaraxyada kusoo kordhayay Muqdisho mudooyinkii dambe.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xaqiijiyay xilka qaadista Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugida.

Labada Mas'uuli ayaa dhowr jeer xilalkan usoo qabtey dowladihii ugu dambeeyay, iyagoo horeyna sidan oo kale xilalkooda looga qaadey fashil amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM