DF oo shaacisay miisaaniyada ay uga hortageyso Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in la xirayo goobaha waxbarashadda sidda iskuulada iyo jaamacadaha laga bilaabo maanta oo Arbaco ah.

Khayre oo go'aankaas ku dhawaaqay habeenimadii xalay ayaa wuxuu la xiriiriyey ka hortagga Coronavirus oo fara kulul ku haya caalamka isla markaana soo gaarey wadankeena.

Sidda laga soo xigtay Khayre, muddo xirnaanshiyaha waa 15-maalmood, wasaaradda Caafimaadka ayaana dib kasoo sheegeysa hadii mudadaas kadib dib loo furi karo goobaha waxbarashada.

Muuqaal laga soo duubay ayuu wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ku sheegay in ay diyaariyeen shan milyan oo Doolar si looga hortago fayruska oo si deg-deg ah ku faafa.

Lacagtaas ayuu tilmaamay in ay wax kaga qaban doonan xaaladaha la xiriira xanuunka iyo goobaha loogu talagalay in lagu hayo dadka qaba ama looga shakiyey in ay la nool yihiin COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa 16-kii Maaj ee sanadkan 2020 waxay xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay laga helay muwaadin ka yimid Shiinaha. Bukaanka wuxuu kamid ahaa afar ka timid xudunta cudurka.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in afar muwaadin kale oo shalay ka timid Talyaaniga lagu hakiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana ay ku socoto baaris la xiriirta hadii ay qabaan xanuunkaas.

Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an u aafeeyay cudurka. Boqolaal ruux ayuu galaaftay xili kumanaan kale ay la nool yihiin. Guud ahaan wadankaas dhaca qaarada Yurub wuxuu galay xaalad go'doon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM