Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Image

GARBAHAREY, Somalia – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii hawada ku geysay boqollaal askari oo ka tirsan cutubka Haramcad ee booliiska, kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, si ay uga qeyb qaataan xaaladda amni ee sii cakirmeysa gobolka Gedo.

Diyaarad sidday ciidamadan ayaa fiidnimadii Khamiista ka degtay magaalada Garbaharey, oo ah xarunta gobolka Gedo, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha ka dhashay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Balad Xaawo ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay Talaadadii, kadib markii Cabdirashiid Janan, oo dhawaan loo magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) ee gobolka, uu ka yimid Muqdisho kuna sugnaa Balad Xaawo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, halka cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo NISA ay weli ku sugan yihiin saldhig ku yaalla duleedka magaalada.

Iska hor-imaadka ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada, iyadoo labada dhinacba ay wadaan abaabul ciidan iyo gurmadyo cusub.

Khilaafka taagan ayaa salka ku haya ismaandhaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasoo gaaray heer milatari. Xiisadda ayaa si gaar ah u sii kululaatay kadib markii dowladda federaalka ay ku dhawaaqday qorshe lagu hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si dalka loogu qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasoo uu garab taagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qorshaha doorashada ayaa si weyn uga hor yimid hoggaanka Jubbaland, Puntland, iyo mucaaradka, kuwaas oo ku doodaya in aanay suuragal ahayn doorasho hal qof-hal cod ah sababo la xiriira xaaladda amni, hay’adaha dowliga ah oo aan dhammeystirneyn, iyo awoodda xaddidan ee dowladda federaalka oo inta badan ku kooban caasimadda Muqdisho.

Xaaladda Balad Xaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo ayaa hadda u muuqata mid halis ugu jirta inay isu beddesho dagaal ballaaran oo u dhexeeya ciidamo ka kala amar qaata dowladda dhexe iyo kuwa maamulka Jubbaland — xiisad muujinaysa burburka xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Jubaland ayaa December 2024 fashilisay duulaankii lagu abaabulayay Raaskambooni, ee Villa Somalia qorsheysay inay xukunka uga tuurto Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM

Kulamo Lagu Gorfeeyay Arrimaha Siyaasadda iyo Dastuurka oo ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-07-2025

  • 11:38AM