Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhul-gariirka ka dhacay Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka midnimada u muujiyey Turkiga kadib dhul-gariirkii ka dhacay bariga dalkaas, fiidnimadii Jimcaha.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Muqdisho, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareega Twitter-ka, ayaa tacsi u diray ehelada dadka dhintay.

"ALLE soo kabasho degdeg ah ha siiyo dadka kale ee waxyeeloobay," ayuu hadalkiisa ku daray diblumaasiga ugu sareeya ee Soomaaliya.

In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyootay musiibada rabaaniga ah oo laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka bariga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Elazig.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, waxaa ku dhaawacmay dhul-ruxanka in ka badan kun qof.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in burburka maaliyadeed ee ka dhashay dhul-gariirka uu aad u badan yahay.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay lahaa xiriir wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah, waxaana xukuumada Ankara ay haatan dalka ka wadaa mashaariicyo horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 07:21AM

Mucaaradka oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 05:32AM