Duqeymo lala eegtay Hogaamiyaha Daacish-ka Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland - Labo Duqeyn oo isk-xigtay ayaa lala bartilmaameedsaday deegaanno ku yaalla gobolka Bari, ee Puntland halkaasi oo sugan yihiin hogaamiyaal katirsan Daacish-ka Soomaaliya.

Illo-wareedyo ku sugan deegaanada la duqeeyay oo kala ah Buqa-Caleed iyo Daanyo ayaa sheegay in duqeynta hore oo dhacday xalay lala eegtay goob ay ku shirayeen hogaamiyaal sare oo katirsan Kooxda.

Sheekh Cabdul-qaadir Muumin oo ah aas-aasaha garabka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa loo maleynayaa inuu ku jiro hogaamiyaasha Duqeynta lala eegtay, iyadoo wali la ogeyn khasaaraha gaaray.

Duqeynta labaad waxay wararku sheegayaan inay dhacday maanta oo Jimco ah Salaadii Jimcaha kadib, taasi oo dad lugeynayay lagu dhuftay, waxaana jirin cid ka hadashay mas'uuliyiinta Puntland.

Dadka deegaanka waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online in aan la ogeyn Gantaallada halka laga soo tuuray iyo cida soo riday, balse loo maleynayo ciidamada shisheeye ee weerarada ka fuliya Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM