BALADWEYNE- Saddex qof ayaa geeriyootay 2 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib dagaal ka dhacay nawaaxiga xarunta Baladweyne gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa dhexmaray labo mallayshiyo beeleed ku murmay dhul daaqsimeed iyo xoolo lakala dhacay, wuxuuna xoojiyey kadib markii kooxo gurmad ah oo kala taageeraya labada dhinac ee dagaalamay ka baxeen magaalada Beledweyne.
Waxgaradka Hiiraan ayaa ku guulaystay inay joojiyaan dagaalkaasi, waxaana lagu howllanyahay soo afjarista colaadda dhexmartay labada beelood iyadoo weli ishorfadhiyaan labada ciidan.
Gobolka waxaa kusoo badanya muddooyinkii dambe dagaalka ku salaysan qabaa'ilka oo inta badan ka dhasha deegaan.
Colaaddan ayaana kusoo beegantay xilli lagu jiro shirka maamulka loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaasoo kasocda magalada Jowhar.
GAROWEONLINE
