Farmaajo oo eryay mas'uul ka tirsan G/Banaadir, bedelkiisna magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle [Ibraahim Dheere] inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Xilkaan ayaa waxaa laga xayuubiyey Xuseen Maxamed Nuur, kaasi oo xafiiska yimid markii gudoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisow, jagadaasi loo dhiibay.

Image result for Xuseen Maxamed Nuur

Farmaajo ayaa u rajeeyay Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Wareegtada ayaa nan lagu caddeynin sababta keentay xilka qaadista Xuseen.

"Xeerkan ayaa wuxuu ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23-ka May, 2019," ayaa lagu yiri digreetada.

Isbedelkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili culeys siyaasadeed oo ku aadan dhinaca maamulka gobolka Banaadir ay Madaxtooyadda kala kulmeysa siyaasiyiinta gobolka kasoo jeeda.

Amniga, siyaasada loo dhan yahay iyo canshuurta gobolka kasoo xaroota oo dakhli u ah xukuumada ayaa kamida qodobada ugu cul-culus ee lagu dhaliilay Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM