Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Heshiis ku saxiixday Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa heshiis rasmi ah ku saxiixday maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeya labada dhinac.

Heshiis cusub ee awood qeybsiga Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo lagu kala saxiixday Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ka kooban yahay 14 qodobo, kuwaasi oo uu kamid yahay in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir uu noqdo wasiir kowaad ee Galmudug.

Sidoo kale, Ahlu Sunna waxay heshay xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee mamaulka Galmudug iyo xubno kale oo labada Golle ee maamulkaasi loogu darayo.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid "Juxa", Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, Madaxda maamul goboleedyada dalka, Xildhibaanno katirsana Labada Golle ee Baarlamaanka iyo mas'uuliyiin kale ayaa goobjoog u ahaa saxiixa heshiiska.

Ahlu Sunna ayaa hadda toos uga mid noqotay Galmudug, sida uu dhigayo heshiiskan ay gaareen Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kaasi oo yimid kadib wadahadallo toos ah oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi iyo dalka Jabuuti.

IGAD ayaa dhex-dhexaadisay Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo mudo khilaafkooda uu soo jiitamayay, kadib markii dowlaladda Federaalka hadda jirta iyo midii Xasan Sheekh ay ku guul-dareysteen inay heshiis dhex-dhigaan labadan maamul ee loolanka u dhaxeeyay.

Hoos ka akhri Heshiiska:

GARAOWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM