​Jubbada Hoose: Weerar khasaaro gaystay oo ka dhacay Kulbiyo

Image

KISMAYO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar qarax ku bilowday ku qaaday saldhig miletari oo ku yaalla deegaanka Kulbiyow oo katirsan gobolka Jubbada hoose islamarkaana 18KM oo qura u jira xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay dagaal muddo kabadan 90 daqiiqo dhexmarayay ciidamada dowladda Somalia, kuwa Kenya iyo Al Shabaab.

Wararka aan helayno ayaa xusaya in guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Tooxyare Nuux uu ku dhintay weerarka, isaga oo ku dhex sugnaa saldhigga markii dagaalku dhacayay.

Qof jooge u ahaa weerarkaas ayaa tilmaamay in subaxnimadii hore maanta oo Jimce ah saldhigga ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaankaas lagu qarxiyay gaari xamuul siday dabeedna uu xigay dagaal toos ah oo ay soo qaadeen rag hubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab.

Waxaa Shabaab u suuro gashay inay Kulbiyo ka qabsadaan dowladda Somalia kadibna gudaha u galaan saldhiggaas, waloow la sheegayo in markii dambe isaga baxeen.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac soo kala gaaray, balse kooxda Al Shabaab ayaa qiratay in dagaalkaas ay ku dileen 67 katirsan ciidanka Kenya.

"khasaaraha waxaa markii hore ay mujaahidiintu dul tageen ilaa 57 askari, laakiin goordambe waxaa howdka ka baxsan xerada lagu arkay ilaa 10 askari oo kale, sidaasna wuxuu qasaaruhu ku noqonayaa ilaa 67 askari inta aan hubno,” Ayuu yiri Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka kooxdaas.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolkada Jubbada hoose uu kasocdo howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo ay kawadaan maamulka Jubbaland iyo ciidamada AMISOM, waloow deegaano ay ka saareen ururkaas dib uga baxeen taaso sahashay inay kusoo laabtaan kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM