Kaalinta cusub ee Turkiga ee dowladda Soomaaliya "qarineyso"

Image
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Milatariga ayaa dafiray doorkan xilli mas'uul kale uu horey u xaqiijiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - November, 5, 2022 waa markii ugu dambeysay ee Taliska ciidamada Mareykanka ay shaaciyeen in duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya ayna ku dileen 15 kamid ah maleyshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Intii u dhaxeysay November, 23, 2022 illaa November, 26, 2022, dowladda Soomaaliya ayaa soo warisay saddex weeraro dhanka cirka ah balse ma shaacin waddanka ay diyaaradihiisu fuliyeen.

Wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka ayaa sheegtay in howlgaladaas ay si wadajir ah u fuliyeen "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamka, hay'adda sirdoonka iyo ciidanka xoogga".

Barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo soo xigtey saraakiil ciidan ayaa tuhunsan in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga "ay kaalin weyn ka cayaareen dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay".

Qiraalka lama filaanka ah

Sheegashadan waxaa xoojinaya hadal bishii September ee sanadkan 2022 kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, kaasoo ahaa in Ankara ay "kusoo biirtey kacdoonka shacabka".

Taliyaha Milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raagge oo la hadlay Galka Baarista ayaa ka gaabsadey in uu xaqiijiyo kaalinta cusub ee Turkiga balse wuxuu ku gaabsadey "waqtiga ku munaasabka ah ayaan sheegi doonaa".

"Turkiga wuxuu kamid yahay saaxiibadda caalamiga ah ee Soomaaliya. Wuxuu noo tababaray ciidamo fara badan oo qeyb lixaad leh ka cayaaraya howlgalada ka dhanka ah Khawaariijta," ayuu sii raaciyey.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo gacansaar dhow la leh xukuumadda Ankara, ayaa gabi ahaanba wuxuu dafiray in diyaaradaha Turkiga ay duqeymo ka fuliyaan Soomaaliya.

Dafirid u muuqata ku talogal

"Aniga wasaaradda difaaca ayaan madax ka ahay. Xogtaas ma hayo. Laakiin cid kasta oo nagu saacideysa ciribtirka Khawaariijta waa saaxiibadeena caalamiga ah," ayuu yiri xilli oo la hadlayay Galka Baarista.

Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa tibaaxdey in ay sii wadeyso taageerada howlgalada Soomaaliya balse si toos ah uga jawaabin kaalinta diyaaradaha drone-ka Turkiga ee loo yaqaano Bayraktar TB2.

Saraakiil magacyadooda uga gaabsadey sababo ku aadan in loo ogolayn ka hadalka qadiyaddan ayaa qiray "in guulaha haatan la gaarey aysan dhici lahayn haddii aysan dagaalka kusoo biireen diyaaradaha drone-ka Turkiga".

Sikastaba, lama ogga sababta Soomaaliya u door-bidey in ay qariso kaalinta cusub ee Turkiga. Balse, horey markii ay u soo shaac-baxdey in ay dhisayaan jidka Muqdisho iyo Afgooye, Turkidu waxay beegsi kala kulmeen Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM