Kiiska dilka hagaamiyihii Haiti oo lugaha lasoo galay Soomaaliya
WASHINGTON, USA – Raadka mid kamid ah shaqsiyaadka sida weyn loogu tuhunsan yahay dilka madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse ee 7-dii July, 2021 loogu geystay gurigiisa caasimada Port-au-Prince ayaa lugaha lasoo galay Soomaaliya, sida ay muujineyso warbixin ay qortay New York Times.
Warbixinta ayaa ku saleysan xogo ay bixiyeen baareyaasha kiiska oo u kala dhashay Haiti iyo Demoniac Republic, wareysiyo kala yeeshay qaar kamid ah latuhmaneyaasha, xubno ka tirsan qoysaskooda iyo shaqsiyaad kale oo si dhow ula socda kiiska.
Sida ku xusan warbixinta, saddex shaqsi oo kala ah, Christian Emmanuel Sanon, Antonio Intriago iyo Walter Veintemilla ayaa ah xubnaha ugu weyn ee la shakisan yahay in ay yihiin maskaxda isku-dabariday shirqoolkaas khaarijinta ku idlaadey.
Christian Emmanuel Sanon
Waa dhakhtar iyo baadari kaasoo inta ugu badan ee waqtigiisa ku qaatay inta u dhaxeysa gobolka Florida iyo Haiti. Shirar looga hadlayo aayaha Haiti ayuu sanadkii hore ku qabanqaabiyey Florida. In ka badan 20 ruux ayaana xaadirtay shirarkaas.
Ka qeybgaleyaasha kulanka ayaa, sida ku xusan qormadda, waxay sheegeen in Sanon uu si cad uga sheegay madasha in uu doonayey la bedelo Moïse isla markaana uu si ku meelgaar ah u noqdo ra’iisul wasaaraha xilliga kala guurka dalkan saboolka ah.
Siyaasiyiin dimuqraadi iyo jamhuuriyiin ah ayuu ka qeybgaleyaasha u sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin. Washington waa mid kamid ah dowladaha ajaniga ah ee sida weyn u taakuleeya Haiti oo ah dal ay hareeyeen aafooyin.
Hase ahaatee, dhamaan kulamadaas ma uusan soo hadal-qaadin qorshe khaarijin ah. Balse, ma uusan caddeyn qaabka uu ku noqonayo ka sokow in uu ku adkeystay in ay u badan tahay in uu is-casili doono Moïse "oo ku qasban in uu baxo".
Walter Veintemilla
Waa madaxa shirkadda Worldwide Capital Lending Group. Arbacadii asbuucaan mas’uuliyiinta Haiti ayaa soo qabtey kuna eedeeyay in uu maalgeliyey howlgalka khaarijita ah.
Bartamihii June, sida uu xaqiijiyey mid kamid ah ragga la qabtey, dableyda dishay madaxweynihii Haiti oo badankooda ah askar hore, waxaa la baray nin ku hadlaayey luuqada Spanish-ka kaasoo ka socday shirkadda Mr Veintemilla.
Isla codkaas, qofka hadlaya wuxuu kooxda hubeysan barayaa Mr. Solages, oo ah Ameerikaan hadda ay gacanta ku hayso dowladda Haiti, waxaana lagu tilmaamayaa in uu yahay nin ka shaqeeya arrimaha maalgashiga caalamiga ah isla markaana uu ka qeyb-qaadanayo dib-u-dhiska waddanka Haiti.
Sidoo kale, shirkadda Worldwide Capital ayuu ku sheegayaa in ay tahay mid caalamiga ah oo dowladdo ay kamid yihiin Mareykanka, Soomaaliya, Spain iyo Ciraaq kala shaqeysay arrimaha ammaanka iyo dib-u-dhiska.
Antonio Intriago
Waa mulkiilaha shirkad gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa arrimaha ammaanka iyo qalabka ciidamadda. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu soo qoray askarta hore eek amid ahayd ciidanka Colombia isla markaana uu geeyay Haiti.
Codka sida qarsoodiga ah loo duubay wuxuu muujinayaan in Intriago uu qoysaska askartan hadda xabsiga ku jirta ay bishii qaadan doonan $2,700 ayna ka shaqeynayaan ilaalinta maalgashato caalami ah iyo xasilinta waddanka Haiti.
Sida ku cad wareysiyada lala yeeshay xubnaha qoyskooda, dableyda ayaa gudaha Haiti gashay horaantii May iyo 6-dii June. Waqtigooda ugu badan waxay ku qaateen hoyga Sanon kaasoo udub-dhaxaad u ahaa shirqoolkan aadka loosoo maleegay.
Is-weydiimaha ugu badan ayaa ku saabsan qaabka Worldwide Capital Lending Group ay ku heli karto mashaariicdaas waaweyn iyadda oo ay tahay shirkad aad u yar isla markaana website-keeda uu ku cad yahay in ay ka shaqeyso arrimaha deyn bixinta iyo caymiska kuna caddeyn mashaariicyo ballaran.
GAROWE ONLINE