Kooxda AS oo dib ula wareegtay deegaanka Daaru Nimca

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS.

Jowhar, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegay in meleeshiyaadka AS ay gudaha u galeen deegaannka, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Deegaanka iyo kuwa dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda "AS" ay miinooyin ku aaseen deegaanka si ay u xoojiyaan difaaca, iyadoo ciidamada dowladda ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Al-kawthar.

Ma jiraan wax khasaare oo ka dhashay weerarkan oo AS kula wareegeen deegaanka Daaru Nimca, ilaa iyo haatana ma jira wax war oo ka soo baxay dhanka dowladda.

Kooxda AS ayaa muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda, iyaga oo la wareegay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS, iyada oo xoogga saari doonta gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Janaraal Sheegow Oo La Aasay iyo Geeridiisana Dhalisay Su’aallo Cusub

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay aaska ayaa ku tilmaamay Janaraal Sheegow inuu ahaa astaan u taagan adkaysi iyo hufnaan.

  • Soomaliya

    10-04-2025

  • 05:32PM

Warbixin: Kooxda Trump u Qaabilsan Amniga oo Ku Kala Qaybsan Joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya

(Maqaalkaan waxaa markii hore lagu daabacay jariidada The New York Times, waxaana Garowe Online uu si kooban…

  • Soomaliya

    10-04-2025

  • 03:21PM