Labada aqal ee Barlamanka Federaalka oo fadhi wadajir ah wadaqaadanaya

Image

MUQDISHO, Somalia- Waxaa maanta kulan wadajir ah xarunta Golaha shacabka Federaalka Somalia fadhi wadajir ah ku qaadanaya Labada aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia. 

Kulankaan oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee labada aqal yeeshaan ayaa wararka laga helayo sheegayaan in kawada hadlayaan waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Somalia.

Kalfadhigaan ayaa la filayaa in lagu magacaabo guddiga doorashada madaxweynaha Somalia taas oo la filayo in la qabto bilowga Bisha Febraayo sanadka 2017.

Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa dhowaan doortey Gudoomiye iyo labo ku xigeen kuwasoo ka filayo in maanta la wareegaan xilkooda maanta.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM