Madaxweynaha Galmudug oo ka dagay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa saaka ka dagay Muqdisho, halkaasi oo ka furmaya shir u dhaaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xaaf, oo lagu casuumay kulanka ka furmaya saacadahaha soo socda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii tagey casuumaad u diray Madaxweyne Xaaf, oo dowladiisa hore u taageertay go'aankii Xildhibaano katirsan maamulka Galmudug ay sheegeen inay xilka uga qaadeen.

Shirka ka furmayo Muqdisho ayaa la filayaa in diirada lagu saaro khilaafka dhawaan soo ifbaxay ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo mamaul goboleedyada, kaasi oo salka ku haya arrimo dastuuri ah iyo xiisadaha khaliijka carabta. Halkan ka akhri.

Waxaa magaalada kusoo qulqulaya Madaxda maamullada, iyadoo horey usoo gaareen Madaxweniyaasha Koonfur galbeed iyo Galmudug, lana sugayo wufuuda HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland oo kusoo wajahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM