Madaxweynaha Galmudug oo lagu doortay Cadaado

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka maamulka Galmudug ayaa doortay Madaxweynaha maamulkaas kadib loollan adag oo ka dhacay xarunta KMG ee Cadaado.

Doorashada oo ay ku tartameen saddex murashax ayaa wareegii Labaad waxaa u gudbay Labo mudane oo kala  ahaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha Galmudug u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib markii uu helay codad gaaraya 54 mudane, halka ninka la tartamay ee Shariif uu helay 34 cod, sida ay sheegeen guddiga doorashada Galmudug.

Madasha wax lagu dooranayay waxaa joogay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia iyo Xildhibaano katirsan dowladda dhexe.

Doorashada ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, oo la isla gaaray ilaa labo wareeg.

Balse waxaa Muuqatay mas’uulka la doortay inuu ahaa midka taageerada ku leh Xildhibaanada.

Waa madaxweynaha ugu da’da weyn kuwa maamullada ka jira Somalia.

Xaaf ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Barlamanka Somalia isagoo sidoo kale ah ganacsade caan ah.

Mudada ka hartay xilhaynta Madaxda hadda jirta iyo Barlamanka ayuu mudane Xaaf hogaamin doonaa maamulka Galmudug.

Madaxweynihii ka horeeyay ee Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhawaan isu casilay sababo uu ku sheegay caafimaad darro, balse kusoo aaday xilli laga keenay Mooshin Xil ka qaadis ah markii lagu eedeeyay inuu kasoo bixi waayay shaqadii loo dhiibay.

Doorashadan ayaa dhacday xilli uu guul darraystay wadaxaajoodkii lagu doonayay in lagu hishiisiiyo maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug oo kawada taliya gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM