Madaxweynaha Somalia oo Kenya gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta goor gaaban gaaray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hoggaamiya Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho qaadan doonta saddex bari ku joogi doona magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya isagoo ka qayb galaya shir Madaxda urur goboleedka IGAD ku qabsan doonto magaaladaas.

Farmaajo iyo Madaxda dalalkaas ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ku aadan xaaladda Somalia gaar ahaan amniga, Abaaraha iyo siyaasadda.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga yaabo in hogaamiyaasha kenya kala hadlo Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab iyo qorshaha ka dhanka ah furnaanshaha xeradaas.

Lama oga inay isla soo qaadi doonaan dhibaatada dhinaca socdaalka ee saaran dadka ka safraya Somalia ee sii mara magaalada Wajeer.

Qorshahaas oo ay ka hishiiyeen Kenyatta iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa wali la dhaqan galin.

Dhawaan Madaxweynaha Kenya ayaa tagay Somalia isagoo ka qayb galay Caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo oo dhacday bishii Febraayo.

Waa booqashadii labaad oo Madaxweynaha Somalia dalka uga baxo tan iyo markii xilkan uu kaga adkaaday Xasan Sheekh horaantii bishii labaad ee isla sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM