MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda siyaasadda Soomaaliya in ay ka fogaadaan daandaansiga dalka ka weecin kara in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo.
Sida ku xusan qoraal kooban oo Talaadada maanta ah lagu daabacay bogga safaaradda ee mareegga Twitter-ka, hogaamiyeyaasha ayay ku boorinaysaa in ay u qaabiyaan laamaha amniga in ay dhexdhexaad ka noqdaan siyaasadda.
"Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay soo gebagebeeyaan hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25-ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran," ayay tiri.
Qoraalka oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa waxaa la raaciyey: "Waa in laga fogaadaa daandaansiga ka weecin kara hawsha, ciidamada ammaankuna waa in ay dhexdhexaad ka ahaadaan".
Dhawaqan ayay dad badan waxay ku tilmaameen mid cadaadiska ku kordhinaya hogaamiyeyaasha Soomaalida si gaar ah saxiixayaasha heshiiska 9-kii Janaayo oo ah golaha wadatashiga qaranka.
Sidoo kale, wuxuu hadalkan daba-socdaa taageero ay maanta Beesha Caalamka u muujisay heshiiskan wallow ay ku adkeeyeen madaxda Soomaalida in ay deg-deg u fuliyaan qodobadda ay isla meel-dhigeen.
Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibadda caalamka ee saameynta ugu xooggan ku leh doorashooyinka Soomaaliya waxaana ay hogaaminayeen ololihii cadaadiska lagu saarey madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ee taageeray heshiiska.
GAROWE ONLINE