Maxaa diiradda lagu saarey kulankii Farmaajo iyo madaxda maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Khadka Internerka madaxda Dowlad Goboleedyadda markii Villa Soomaaliya cadaadis ku aadan xalinta khilaafka siyaasadeedka waddanka ka jira ay kala kulantay Mareykanka.

Shirkii Maanta oo madaxda ay ku yeesheen aaladda Whatsapp’-ka, ayaa wuxuu gogol-xaar u yahay kulan kale oo fool-ka-fool ah, kaasoo goobta lagu qabanayo iyo waqtiga uu shaacin doono Madaxweyne Farmaajo.

Xog hoose oo  Garowe Online helay ayaa sheegay in kulankii maanta ay qeybgaleen Ra’iisalWasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyeyaasha Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Maamullada ayaa dalbadey in la joojiyo sharciyada horyaalla baarlamaanka inta ay xal laga gaarayo, oo kulamo ka yeelanayaan madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo muddo dhowr sano ah is-khilaafsan.

Arrinta ugu weyn ee hadda tagaan ayaa ah go’aan ka gaarista doorashada dalka ka dhici doonta iyo nooca ay noqon doonto, iyadoo saamileyda siyaasadda iyo saaxiibadda caalamka ay ka digayaan dib u dhac iyo muddo korarsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dalbaday inuu hakiyo doodaha Baarlamaanka ee afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka Qaran, ilaa madaxda ay ka kulmayaan.

June 9, 2020, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa xukuumada ugu baaqdey in ay kulan isagu yeerto Madaxweyneyeyaasha Dowlad Goboleedyada, si xal looga gaaro kala qeybsanaanta siyaasadeed, loogana gudbo caqabadaha hor-taagan coddeynta 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM