Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Image

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee muddo-xileedkiisu dhammaaday, ayaa safar ku tegay Uganda saacado uun kadib markii uu mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ku casuumay shir wadatashi oo la filayo in bisha soo socota looga hadlo khilaafka doorashooyinka federaalka.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankii Entebbe ee bishii August 2026 ayaa madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Xasan Sheekh ku cadaadiyey inuu wada-hadal la furo dhinacyada mucaaradka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa doorashooyinka ee sii kordhaya.

Museveni ayaa u sheegay Xasan Sheekh inuu Ciidanka Uganda kasoo saarayo Soomaaliya, hadii uusan heshiis la gaarin saamileyda siyaasadda, ee diidan nidaamka doorashadda isaga uu sameystay, kaasoo dalka geliyay kala qeybsanaan, hubanti la'aan iyo xasilooni-darro siyaasadeed.

Uganda, oo ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb qaata howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa walaac ka muujisay in ismari-waaga siyaasadeed uu saameyn ku yeelan karo amniga dalka iyo howlaha ciidamada Midowga Afrika.

Kampala ayaa ka cabsi qabta in khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada uu dowladda iyo hay’adaha amniga ka mashquuliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu wiiqo xasilloonida howlgalka AUSSOM.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin sababta safarka Xasan Sheekh, haddana khubarada siyaasadda ayaa aaminsan inuu si toos ah ula xiriiro cadaadiskii Uganda ee wada-hadallada siyaasadeed. Maxay go'aanka qabashadda shirka November iyo socdaalka Xasan Sheekh sidoo kale muujinayaan doorka Uganda ee dadaallada lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

Museveni ayaa ku boorriyay madaxda Soomaalida inay wada-hadal ka galaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay qaabka doorashooyinka dalka. Inkastoo Uganda ay ku baaqayso wada-hadal loo dhan yahay. Wuxuu sheegay in ciidankoodu ay u joogaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo Amniga la wareegi kara marka ay baxaan kuwa AUSSOM. Wuxuu Madaxweynaha Uganda ka cawday in khilaafaadka guduhu ay wiiqayaan dadaallada nabad ilaalinta, isagoo xusay in dalkiisu uusan diyaar u ahayn in ciidankiisu ku dhintaan dalka halka madaxda guduhu ay isku hayaan awoodda

Uganda ayaa muddo dheer qayb ka ahayd dadaallada amni ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay door muhiim ah ka ciyaaraan howlgalka Midowga Afrika. Sidaas darteed, xasilloonida siyaasadeed ee dalka ayaa muhiim u ah sii socoshada howlgalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles