Maxamed Xuseen Rooble: Doorashadda way bilaabatay

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay guddiga loo saarey xalinta xiisada gobolka Gedo. [Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu ku dhawaaqay "in doorashada ay bilaabatay" isaga oo musharaxiinta ku booriyey "in ay faarujiyaan Muqdisho" oo ay olole u aadaan maamuladda.

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay guddiga loo saarey xalinta xiisada gobolka Gedo kuwaasoo wasiirka koowaad ku wareejiyay warbixinta natiijada safarkooda degaanadda maamulka Jubaland.

Intii uu ku guda jiray khudbad uu kulanka ka jeediyey, Rooble oo hay'adaha amniga uga digay carqaladeynta safarada musharaxiinta ayaa xusay in ay meel wanaagsan u mareyso xalinta qadiyada kuraasta gobolada waqooyi.

"Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo howl wanaagsan ka soo qabtay shaqadii aan u igmaday, maantana ii soo gudbiyay warbixinta howshii dib u heshsiisiinta Gedo iyo talo soo jeedintooda," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Isaga oo tixraacaya arrimaha harsan oo ay kamid tahay magacaabida maamulka cusub ee degmada Garbahaarey ayuu raaciyey: "Waxaan rajeynayaa in howlaha yar ee dhiman ay dhaqso noogu dhammaadaan".

"Isu socodka muwaadiniinta iyo diyaaradaha tagaya ama ka imaanaya Gedo, Guud ahaan Jubaland iyo dalka oo dhan lama xayiri karo, waana xaq dustuuri ah," ayuu yiri mar uu ka hadlayey is-hor-taaga musharaxiinta.

Qoraalka Rooble ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaa la joogaa xilligii siyaasiyiinta iyo dadka u tartamaya kuraasta aqallada baarlamaamku aadi lahaayeen deegaan doorashooyinkooda.

"Waxaan rajeynayaa in ay noo qabsoonto doorasho nabdoon, daahfuran oo aan cidna la dulmin," ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Rooble kaasoo xukuumadiisa ay mas'uul ka tahay in ay dalka ka qabto doorasho daahfuran.

Bishan Julaayo, 25-keeda ayaa loo balansan yahay in lasoo xulo mudaneyaasha Aqalka Sare, halka 10-ka October loo madalsan yahay in magaala madaxda Muqdisho lagu doorto madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM