Maxamed Xuseen Rooble: Doorashadda way bilaabatay

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay guddiga loo saarey xalinta xiisada gobolka Gedo. [Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu ku dhawaaqay "in doorashada ay bilaabatay" isaga oo musharaxiinta ku booriyey "in ay faarujiyaan Muqdisho" oo ay olole u aadaan maamuladda.

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay guddiga loo saarey xalinta xiisada gobolka Gedo kuwaasoo wasiirka koowaad ku wareejiyay warbixinta natiijada safarkooda degaanadda maamulka Jubaland.

Intii uu ku guda jiray khudbad uu kulanka ka jeediyey, Rooble oo hay'adaha amniga uga digay carqaladeynta safarada musharaxiinta ayaa xusay in ay meel wanaagsan u mareyso xalinta qadiyada kuraasta gobolada waqooyi.

"Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo howl wanaagsan ka soo qabtay shaqadii aan u igmaday, maantana ii soo gudbiyay warbixinta howshii dib u heshsiisiinta Gedo iyo talo soo jeedintooda," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Isaga oo tixraacaya arrimaha harsan oo ay kamid tahay magacaabida maamulka cusub ee degmada Garbahaarey ayuu raaciyey: "Waxaan rajeynayaa in howlaha yar ee dhiman ay dhaqso noogu dhammaadaan".

"Isu socodka muwaadiniinta iyo diyaaradaha tagaya ama ka imaanaya Gedo, Guud ahaan Jubaland iyo dalka oo dhan lama xayiri karo, waana xaq dustuuri ah," ayuu yiri mar uu ka hadlayey is-hor-taaga musharaxiinta.

Qoraalka Rooble ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaa la joogaa xilligii siyaasiyiinta iyo dadka u tartamaya kuraasta aqallada baarlamaamku aadi lahaayeen deegaan doorashooyinkooda.

"Waxaan rajeynayaa in ay noo qabsoonto doorasho nabdoon, daahfuran oo aan cidna la dulmin," ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Rooble kaasoo xukuumadiisa ay mas'uul ka tahay in ay dalka ka qabto doorasho daahfuran.

Bishan Julaayo, 25-keeda ayaa loo balansan yahay in lasoo xulo mudaneyaasha Aqalka Sare, halka 10-ka October loo madalsan yahay in magaala madaxda Muqdisho lagu doorto madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM