MUQDISHU: Faah-faahin weerarka hotel Weheliye [SAWIRRO}

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax Gaari oo ka dhacay saakay iridda hore Hotel Weheliye oo ku dhaw Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdishu.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, ayaa lala eegtay Hotelkaas, oo ay degan yihiin Mas'uuliyiin iyo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Somalia.

Sawirro laga soo qaadey goobta, ayaa muujinayo burbur xoog leh oo gaarey goobtaas iyo xaruumo Ganasi oo ka agdhawaa, iyadoo meydadka dadka shacabka ah ay yaallaan wadada dhexdeeda.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas inkastoo aysan jirin ilaa  hadda cid la qabtay oo saxaafadda loo soo bandhigay.

Waxaa jiro dad badan oo ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasi oo qaarkood soo gaarey dhaawacyo culus, taasina laga baqayo inay kordhiso khasaaraha dhimashada weerarka.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo maanta oo kaliya ka dhacay Muqdishu, iyadoo shalay qarax lagu xiray gaari uu ku dhaawacmay wariye katirsan Universal TV.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada labada weerarka ee ka dhacay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM