MUQDISHU: Faah-faahin weerarka hotel Weheliye [SAWIRRO}

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax Gaari oo ka dhacay saakay iridda hore Hotel Weheliye oo ku dhaw Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdishu.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, ayaa lala eegtay Hotelkaas, oo ay degan yihiin Mas'uuliyiin iyo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Somalia.

Sawirro laga soo qaadey goobta, ayaa muujinayo burbur xoog leh oo gaarey goobtaas iyo xaruumo Ganasi oo ka agdhawaa, iyadoo meydadka dadka shacabka ah ay yaallaan wadada dhexdeeda.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas inkastoo aysan jirin ilaa  hadda cid la qabtay oo saxaafadda loo soo bandhigay.

Waxaa jiro dad badan oo ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasi oo qaarkood soo gaarey dhaawacyo culus, taasina laga baqayo inay kordhiso khasaaraha dhimashada weerarka.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo maanta oo kaliya ka dhacay Muqdishu, iyadoo shalay qarax lagu xiray gaari uu ku dhaawacmay wariye katirsan Universal TV.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada labada weerarka ee ka dhacay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM