Mursal oo Eedeeyay Badbaado Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo waraysi siiyay Telefishinka Universal ayaa mar uu ka jawaabayay su’aalo la xiriiray Doorashadii 2022 waxaa uu difaacay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Farmaajo Doorasho ma hor-taagnayn runta markaan kuu sheego anaga dalka ayaan samatabixinay “

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in mucaaradkii xiligaas ay doonayeen in ay Soomaaliya ku laabato Fawdo. Mucaaradkii wakhtigaas oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda xilka haya, Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ku midaysnaa madasha Bad-baado Qaran.

Eedeymaha kasoo yeeray Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa imaanaya Iyada oo uu dalka ka socdo hawlgal lagula Diriraayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarunta Boqor Salmaan oo hirgelinaysa Masharuuca qaybinta Zakada Fidriga ee Sanadka 1446H -2025

Ujeedada mashruucan ayaa ah in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo mid farxad leh maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga.

  • Soomaliya

    28-03-2025

  • 06:50PM

Maxay Erdogan iyo Xasan Sheekh uga wada hadleen kulankooda Ankara?

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    27-03-2025

  • 04:54PM